Sign in to follow this  
Deeq A.

Mareykanka oo QM u gudbiyey Qaraar Cunaqabateyn lagu saarayo xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab+Magacyada Xubnaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka oo QM u gudbiyey Qaraar Cunaqabateyn lagu saarayo xubno ka tirsan Xarakada Al-Shabaab+Magacyada Xubnaha

 mills.jpg

 

Wakiilka dawladda Mareykanka ee Qaramada Midoobey Richard Mills oo khudbad ka jeediyey shirkii caawa golaha ammaanka ee QM ay ka yeesheen xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya ayaa ugu baaqayaan hoggaamiyayaasha Soomaalida inay ka faa’iidaystaan fursadaha hor yaalla.

Sidoo kale waxuu ka hadlay dhanka ammaanka Soomaaliya, isagoo soo bandhigay magacyada qaar ka mid ah hoggaamiyaasha Al-Shabaab, kuwaas oo Mareykanku uu ka dalbanayo golaha Ammaanka Qaramada Midoobey in lagu daro liiska argagixisada caalamiga ah.

Ugu horeyn Richard ayaa madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay sida ugu degdegga badan nabadda u hormariyaan, isagoo xusay in hubanti la’aanta ka taagan doorashada Soomaaliya ay dib u dhac ku noqotay wada-hadaladii Qaran.

Wakiilka Mareykanka ayaa sidoo kale sheegay in shaqaaqooyinkii ka dhacay bartamaha Muqdisho todobaadkii hore ay yihiin tusaalihii ugu dambeeyey ee muujinaya inay imaan karto halis ah in dalku deganaansho la’aan galo.

Danjire Richard Mills waxuu carrabka ku adkeeyey in Mareykanku uu si adag uga soo horjeedo gacan ka hadalka.

Intii uu ku guda jiray khudbadiisa Richard waxuu ugu baaqay madaxda dawladda federaalka iyo kuwa maamul goboeedyada inay qaadaan tallaabo degdeg ah oo lagu xallinayo is mari waaga siyaasadeed.

Waxa uu sheegay in xaaladda hadda taagan ay halis ku tahay mustaqbalka Soomaaliya.

Richard Mills mar uu khudbadiisa ku soo hadal qaaday dhanka ammaanka Soomaaliya, waxuu sheegay in Al-Shabaab ay weli halis ku tahay amniga Soomaaliya, isagoo soo bandhigay liiska xubno ka tirsan kooxda oo Mareykanku uu Qaramada Midoobey ka doonayo in liiska cunaqabateynta lagu daro.

Seddax hoggaamiye oo ka tirsan Al-Shabaab, oo kala Abuukar Cali Aadan, Macalin Ayman iyo Mahad Karate ayuu soo jeediyey in Qaramada Midoobey ay ku daraan liiska cunaqabataynta argagixisada.

Soo jeedinta Maraykanka iyo Soomaaliya ee ah in saddexdaas shakhsi lagu daro liiska cunaqabataynta ayaa u baahan inay oggolaadaan dhammaan xubnaha Golala Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Hadii ay hir gasho oo goluhu ogolaado soo jeedinta Mareykanka, waxay ka dhigan tahay in xubnahaan lasoo bandhigay magacyadooda ee ka tirsan Al-Shabaab aysan safri karin, isla markaana la xayirayo hantidooda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this