Sign in to follow this  
Deeq A.

DF & Mareykanka oo dalbaday in cunaqabateyn la saaro Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa ka dalbaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in cunaqabateyn lagu soo rago hoggaanka sare ee Ururka Al-Shabaab.

Ku-simaha safiirka Mareykanka ee Qaramada Midoobay, Richard Mills ayaa sheegay in dowladdiisa  ay ku biireyso baaqa Soomaaliya ee lagu dalbaday in cunaqabateyn la saaro 3 hoggaamiye oo ka mid ah Ururka Al-Shabaab.

Danjire Mills ayaa shaaca ka qaaday in Mareykanka ay ka go’an tahay taageerida dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, si looga adkaado Al-Shabaab oo weli gacanta ku heysa deegaano iyo degmooyin dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka dalbatay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay in liiska xayiraada lagu soo daro hoggaamiyeyaasha kala ah Abuukar Cali Aadan, Maalin Ayman iyo Mahad Karataay, kuwaasi oo dhamaantood ka tirsan Xarakada Al-Shabaab.

Dalabka cunaqabateynta ah ee ka soo yeeray dowladdaha Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa u baahnaan doona inay meelmariyaan Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this