Deeq A. Posted February 23, 2021 Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar. Madaxweynaha Puntland Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar Wuxuu xeeriyey: Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar. Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay. View the full article Share this post Link to post Share on other sites