Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha maamulka Puntland oo magacaabis sameeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xeer Madaxweyne Lr. 05, ku magacaabay Taliye Qaybeedyadda Gobollada Sanaag iyo Karkaar.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland Qodobkiisa 80-aad

Markuu arkay: Talo soo jeedinta Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland

Markuu arkay: Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda Ciidanimo

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo dar-dargelinta hawlaha Amniga ee gobolada Sanaag iyo Karkaar

Wuxuu xeeriyey:

  1. Waxaa G/sare Cabdikariin Maxamed Cabdulle loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Sanaag.
  2. Waxaa G/sare Faarax Nuur Maxamed loo Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska ee Gobolka Karkaar.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this