Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog- Deni oo laba sharuudood ku xiray Inuu dib ugusoo laabto miiska wadahadalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Kulankii maanta dhex maray Madaxweynaha Maanta ay Soomaalidu aadka u hadal hayaan Saciid Cabdullaahi Deni iyo Wafdigii ka socdey Midowga Yurub ayaa ahaa mid wadahadalkiisu uu ka duwanaa Kulamadii horey labada dhinac u wada yeelan jireen.

Warbaahinta Puntlandi.com oo Xuuraansi badan ka dib helay Xog yar , Madaxweyne Deni wuxuu si kulul ula hadlay Xubnaha Ka socda Midowga Yurub, isagoo xasuusiyay inuu marar hore ka digay In Xukuumada Federaalku aysan diyaar u ahayn Doorasho sidaas awgeed ay lagama maarmaan ahayd in la helo gacan Sadexaad oo damaanad qaada hirgalinta Heshiisyada.

Madaxweyne Deni wuxuu sicad u cadeeyay inuusan miis lasoo fariisanayn Madaxweynaha Xilkiisu dhamaadey Hadii aan la fulin laba arimood midkood.

  • In Beesha Caalamku goobjoog yihiin oo ay markhaati ka noqdaan ayna damaanad qaadayaan socodsiinta Go’aamada kasoo baxa kulamadaas,
  • In la isuguyimaado kulan ay kasoo qayb galaan Saamilayda Siyaasada Xubno matalaya.

Kulanku wuxuu ku dhamaadey is afgarad Laakiin lama shaacin waxyaabaha rasmiga ah ee kasoo baxay.

Puntlandi.com Garowe

4382CFD0-1E23-437D-8AC0-9CA0AA91F267-659

The post Xog- Deni oo laba sharuudood ku xiray Inuu dib ugusoo laabto miiska wadahadalka appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this