Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddoomiye Abshir: Habdhaqanka Farmaajo Waa Mid Dhego iyo Indho La’a, Nabaddana dan kama laha

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddoomiye Ku-xigeenka kowaad ee Golaha Aqalka Sare Abshir Maxamed Axmed, oo ka hadlay baaqa  Madaxweeynihii hore Farmaajo ee ku aaddan in madaxda dowlad gobaleedyada Jubbaland iyo Puntland ay ku soo biiraan shirka wada tashiga ee Muqdisho, ayaa habdhaqanka Farmaajo ku tilmaamay Mid dhego iyo Indho la’aan ah Nabadana aan dan ka laheyn.

Senator Abshir ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku yiri “Marka la fiiriyo xadgudubyadii dhacay 19-kii Feberaayo 2021 & habdhaqanka madaxweynihii-hore Maxamed Farmaajo waxaa durbadiiba maankaaga ku soo dhacaya meerisyadii abwaan Gaarriye AUN ee ahaa:

“Dhego ma leh war kama dego

Indho ma leh wax lagu dayo

Nabaddana dan kama laha”.

abshir.png

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this