Deeq A. Posted February 22, 2021 Golaha Midowga Murashixiinta Muqdisho, ayaa maanta mar kale ku baaqay bannaanbax nabadeed oo 26-ka February ka dhici doona taalada Daljirka Dahsoon ee magaalada Muqdisho Bannaanabaxii ay hore ugu dhawaaqeeen Midowga Murashixiinta maalintii Jimcaha ee 19-ka Febraayo waxa hareeyay iska hor-imaadyo u dhexeeya dowladda iyo Mucaaradka Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa toddobaadkii hore joojisay isu imaatinnada iyo isu soo baxyada dadweynaha, si looga gaashaanto faafidda xanuunka COVID-19. Dhinaca kalena, Madaxtooyada Soomaaliya oo maanta soo saartay war saxaafadeed ayaa ugu baaqay Puntland iyo Jubaland in ay kasoo qaybgalaan shirarka ka socda Muqdisho ee lagu dhamaystirayo heshiskii 17-ka Sebtember. PUNTLAND POST The post Midowga Murashixiinta oo ku baaqday Bannaanbax kale appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites