Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujiyay Rabshadaha ka dillaacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, ayaa walaac xooggan ka muujiyay rabshadaha Jimcihii ka dillaacay magaalada Muqdisho, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada oo dhan inay is xakameeyaan ayna is dejiyaan.

Xoghaye António Guterres ayaa ku booriyay Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dowladaha Xubnaha ka ah, in ay si deg deg ah kulan isugu yimaadaan, oo ay dhameystiraan heshiis siyaasadeed oo ku saabsan sidii hore loogu socon laha doorashooyinka qaran, iyadoo la waafajinayo heshiiskii doorashada ee 17ka Sebtembar.

Xoghayaha Guud wuxuu kale oo ku baaqay, in si buuxda loo ixtiraamo xuquuqda isu imaatinka nabadda ah iyo xorriyadda hadalka.

Sidoo kale, wuxu ku celiyay taageerada buuxda ee Qaramada Midoobay la garab taagan tahay shacabka iyo Dowladda Soomaaliya ee ku aaddan hannaanka nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada.

Halkaan ka akhriso Qoraalka oo dhan

PUNTLAND POST

The post Xoghayaha Qaramada Midoobay oo walaac xooggan ka muujiyay Rabshadaha ka dillaacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this