Sign in to follow this  
Deeq A.

Khudbadii Deni oo lagu tilmaamey Khudbadii Qaranka Badbaadisay

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Dowlada Puntland wuxuu Xalay u diray Bulshada Soomaaliyeed iyo Caalamkuba Digniin “Farwaawryn oo gaduud ku Qoran “ oo aan la dhayalsan karin, lana sii sugi karin ka hortageeda, Khatarta uu ka digay Madaxweyne Deni ma ahan mid ay fahmi karaan waxma garatadku.

Waxaa Khudbadiisa ka mid ahaa..

  • “ Waxay Adeegsadaan Meeshay Soomaslidu ka jilicsan tahay oo ah Qabiilka iyo kuwa ugu jilicsan Bulshada.
  • Waxay haystaan Ciidan aan nixin sida Al-shabaab.
  • Soomaalidu sidii hore ma ahan , Dalku wuxuu ku socdaa Dagaal sokeeye.

Madaxweynaha Puntland inta uu Xalay sheegay hadii uusan dheegi lahayn, Dalkana uu jar ka dhici lahaa wuxuu la Dambi ahaan lahaa kuwa Dalka Jarka ka tuuraya, sidaas ayay isku raaceen Waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Soomaaliyeed.

Madaxweyne Deni isagoo la hadlaya Siyaasiyiinta Muqdisho ugana digaya kuwa gacanta siinaya Farmaajo wuxuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyey murtidaan Soomaaliyeed “Gudinyahay ima goyseen hadaan Barkay kugu jirine “ . (Waa Geed la hadlayay Faas lagu goynayay ) Qofkii fatma murtidaan ayaa garan kara Khatarta uu Madaxweynuhu ka digayo.

Hadaadan horay u daawan Hoos ka daawo Khudbadii Madaxweyne Deni ee Qaranka Badbaadisay

W/Q Korneyl XXXXXX Bosaso

Puntland-State-TV-Startside BD050368-0DF9-44DA-BC04-36B8B58DDD97-678

The post Khudbadii Deni oo lagu tilmaamey Khudbadii Qaranka Badbaadisay appeared first on .

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this