Sign in to follow this  
Deeq A.

Midawga Musharixiinta Oo Banaanbax Kale Ku Baaqay Jimcaha

Recommended Posts

Deeq A.   

Midawga Musharixiinta oo Goordhaw shir Jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in mar kale ay qaban doonaan banaanbax looga soo horjedo Madaxweeynaha Waqtigiisa dhamaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Golaha Midawga ayaa sheegay in Farmaajo uusan dooneyn in uu dalka ka qabto doorasho.

Gudoomiyaha Midawga Musharixiinta Ahna Madaxweeynihii hore ee dalka Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sheegay in markale ay qaban qaabinayaan banaanbax weyn oo la mid ah midkii Jimcihii la soo dhafay fashilmay.

Sheekh Shariif ayaa sheegay in Jimcaha Soo socda oo ay taariikhdu tahay 26 February ay qaban doonaan banaan bax weyn oo ka dhici doona Daljirka Dahsoon.

Sikastaba dowladda Soomaaliya ayaa Jimcihii dhaweeyd is hor istaagtay banaanbax ay Musharixiinta hor kacayeen , iyadoo xubna ka tirsan midawga Musharixiinta iyo shacab banaanbaxayey ay ciidamadu rasaas sababtay khasaaro ay kala hortageen.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this