Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Cali Guudlaawe oo kulan la yeeshay Sheekh Shariif

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Hirshabelle, Cali Cabdullahi Xuseen (Guudlaawe) ayaa kulan gaar ah la qaatay guddoomiyaha midowga musharraxiinta, Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka ayaa ka dhacay hoyga uu Sheekh Shariif ka dagan yahay magaalada Muqdisho, kadib booqasho uu ugu tegay Cali Guudlaawe.

Labada mas’uul ayaa iska xog-wareystay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo is mari-waaga ka taagan doorashooyinka 2021-ka.

Sidoo kale waxa ay isla soo qaadeen sidii xal mideysan looga gaari lahaa khilaafka siyaasiga ah ee hareeyay doorashooyinka la filayo in ay ka dhacaan dalka.

Magaalada Muqdisho ayaa marti-gelineysa shirar gaar-gaar ah oo u dhexeeya dhinacyada isku haya siyaasadda dalka, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this