Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Oo Warbixin Kasoo Saartay Xaaladda Ka Taagan Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ka tirsan guddida arrimaha dibadda ee Congress-ka Maraykanka ayaa warbixin ka soo saartay xiisadda siyaasadeed ee dalka Itoobiya haatan ka taagan.

Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ka mid ahayd xubno ka tirsan gudidaas oo dhawaan socdaal ku tagay dalka Itoobiya, waxaana ay sheegtay inay aad uga walaacsan tahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada

Xukuumadda Itoobiya ayey fartay maxaabiista ula dhaqantao si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo.

“Waxaan aad uga walaacsanahay xaaladda maxaabiista siyaasadeed ee Oromada ah ee uu ka midka yahay Bekele Gerba iyo hogaamiyeyaasha kale ee cunto joojinta ku jira. In loo diido in ay helaan daryeel caafimaad waxay xad gudub cad ku tahay xuquuqdooda aadanaha waxayna sii cakiraysaa xiisadda haatan Itoobiya ka taagan. Xukuumadda Itoobiya waa in ay maxaabiista ula dhaqantaa si waafaqsan hanaanka caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha ee caddaaladda iyo in la ilaalinayo sharaftooda aadamenimo” ayay ku tidhi warbixin xafiiskeeda la soo baxday.

Waxa kale oo warbixintaa ay soo saartay xildhibaan Ilhaan Cumar ay kaga hadashay xaaladda ka taagan gobolka Tigray ee ay dagaalladu ka socdaan, waxaanay carrabka ku dhuftay in colaadda ka socota gobolkaasi dhalisay duruufo aadamenimo oo masiibo noqday oo ay sheegtay in sida qiyaasaha qaarkood tibaaxayaan ay boqolaal kun oo qof macaluul qarka u saaran yihiin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this