Sign in to follow this  
Deeq A.

IRAN Oo Khubarada Qaramada Midoobay U Ogolaaday Kormeerida Xarumaheeda Nukliyeerka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Tehran)-Dowladda Iran iyo hay’ada Nukliyeerka u qaabilsan Qaramada Midoobay IAEA ayaa heshiis ku gaadhay in kormeerayaasha caalamiga ah ay tagi karaan xarumaha Nukliyeerka ee dowladda Iran.

Arrintan ayaa qeyb ka ah heshiiskii hore ee xakameynta barnaamijka Nukliyeerka Iran walow ay Iran hoos u dhigtay awoodii kormeerayaasha Caalamiga ah kadib khilaafkii soo dhexgalay xukuumadii hore ee Maraykanka iyo xukuumadda Iran.

Iran oo xiligan dardar gelisay barnaamijkeeda Nukliyeerka ayaa dhinaca kale dooneysa in laga qaado cunaqabateynta saaran, waxayna hada u ogolaatay hay’ada IAEA in saddexda bilood ee soo socda kormeerayaashooda tagi karaan xarumahooda Nukliyeerka.

Madaxa IAEA, Rafael Grossi oo shalay dib uga soo noqday safar uu ku tagay Tehran ayaa warbaahinta u sheegay in heshiiskan uu yahay mid uu soo dhaweenayo.

Dowlada cusub ee Maraykanka oo uu hoggaamiyo Joe Biden ayaa sheegtay inay diyaar u yihiin in dib loo dhaqan geliyo heshiiskii uu hore u burburiyey Donald Trump, balse shardi uga dhigay Iran inay marka hore joojiso dardargelinta barnaamijkeeda nukliyeerka, halka Iran shardi uga dhigtay joojinta hawlaheeda nukliyeerka in marka hore la qaado cunaqabateynta saaran oo burbur xoogan u geysatay dhaqaalaha wadankaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this