Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo sheegay in uusan jirin farqi u dhexeeya Al-shabaab iyo Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Khudbaddiisi xalay ku sheegay in uu ka cabsi qabo in dagaal sokeeye ka qarxo magaalada Muqdisho, haddii ay sii socoto xiisadda siyaasadeed ee halkaas ka aloosan.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Villa Somalia shacabka Muqdisho ku hayso dhib lamid ah kan Al-shabaab ku hayaan, islamarkaana uusan wax farqi ah u dhexayn cadaadiska iyo cabburinta labada dhinac ku hayaan Bulshada Muqdisho.

Sidoo kale, wuxu caddeeyay in Al-shabaab iyo dowladda Federaalka Soomaaliya ay isticmaalaan asaaliib isku mid ah oo ku salaysan cabsi iyo argagax gelin, taas oo keeni karta in kacdoon dadweyne iyo dagaal sokeeye.

Safarkiisi u dambeeyay ee Muqdisho, ayuu sheegay in uu ka cabsan jiray in Villa Somalia cuntada sun ugu darto ama dhibaato kale oo Amni u gaystaan isaga iyo wefdigiisa ka tegay Puntland.

Halkaan ka daawo Hadalkiisa

PUNTLAND POST

The post Deni oo sheegay in uusan jirin farqi u dhexeeya Al-shabaab iyo Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this