Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni: Ciidamada Gorgor iyo Haramcad wax naxariis ah ma leh

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, oo xalay khudbad ka jeediyay xarunta Cilmi-baarista PDRC ee caasimadda Garoowe, ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo doonayo in uu dalka xoog ku sii haysto.

Siciid Deni, wuxu tilmaamay in Farmaajo aysan ka go’nayn in uu doorasho ka qabto dalka, balse uu aaminsanyahay xoog iyo awood ciidan in uu ku haysan karo kursiga Madaxweynaha Soomaaliya.

Madaxweyne Deni, ayaa sheegay in Ciidanka loo bixiyay Gorgor iyo Haramcad ay yihiin kuwa uu gaar u dhistay Mr Farmaajo, si uu kursigiisa ugu ilaashado, uguna cabburiyo siyaasiyiinta mucaaradsan dowladdiisa.

Sidoo kale, wuxu Labadaas Ciidan ku tilmaamay kuwa Manaxayaal ah oo u adeega shakhsiyadda Madaxweyne Farmaajo, halkii la rabay in ay Al-shabaab dalka ka saaraan.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa

PUNTLAND POST

The post Deni: Ciidamada Gorgor iyo Haramcad wax naxariis ah ma leh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this