Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo aan waxba ula harin Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo Caawa khudbad dheer ka jeediyay Xarunta Cilmi-baarista Puntland ee PDRC, ayaa si kulul Madaxweyne Farmaajo ugu dhaliilay xasaradda siyaasadeed ee dalka ka jirta.

Mudane Deni, ayaa Madaxweyne Farmaajo bilow iyo dhammaadba ku eedeeyay khilaafka la xallin waayay ee ka taagan siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaanna hirgelinta Doorashada Madaxtinimada dalka.

Madaxweynaha Puntland wuxu sidoo kale sheegay in Mr Farmaajo doonayo in uusan doorasho qaban islamarkaan dalka xoog ku haysto, isagoo adeegsanaya ciidan uu ku tilmaamay manaxayaal oo keligiis ka amar-qaata.

Khudbadda Madaxweyne Deni, ayaa ka duwanayd kuwiisi hore, waxaana ka muuqatay in ay aad u kala fogaadeen isaga iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Halkaan ka daawo Khudbaddiisa oo dhan

PUNTLAND POST

The post Deni oo aan waxba ula harin Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this