Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxaa kasoo baxay shirkii maanta ee Villa Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa guddoomiyey Kulan hordhac u ah Shirka Wadatashiga Qaran ee ku saabsan dhaqan-gelinta talo-soojeedintii Guddiga Farsamada Arrimaha Doorashooyinka Federaalka.

Kulanka waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, Madaxweynayaasha Dowlad-goboleedyada Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye, Koonfur-galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed iyo Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamuud Maxamed.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in shaqada Guddiga ay aas-aas u tahay xal u helidda caqabadaha soo wajahay fulinta Heshiiska 17-ka Sebteembar iyo talo-soojeedintooda oo soo afjartay kala aragti duwanaanshihii ku aaddanaa dhaqan gelinta heshiiska doorashada, taas oo ka turjumeysa hor u socodka iyo dimuqraadiyadda dalkeenna.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusay dadaalladii heer Federaal iyo Dolwad Goboleed ee loo qaaday horumarinta dowladnimada, adkeynta midnimada shacabka Soomaaliyeed iyo xaqiijinta xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee dalka.

DHAMMAAD

FB_IMG_1613919413301 FB_IMG_1613919420413 FB_IMG_1613919428113152740813_3787396401344810_8927105477415729820_n FB_IMG_1613919434297

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this