Sign in to follow this  
Deeq A.

R/wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Faadumo Nakruuma

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geerida fanaanadda qaranka Allah u naxariistee, Faadumo Cali Nakruuma oo maanta cudurka Carona ugu geeriyootay isbitaalka De Martini ee Muqdisho.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu ku yiri:

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada”.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this