Sign in to follow this  
Deeq A.

Ra’iisul wasaare Rooble oo ka tacsiyeeyay geerida Faadumo Nakruuma.

Recommended Posts

Deeq A.   

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geerida ku timid Fanaanadii Faadumo Cali Nagruuma oo ka tirsaneyd hobolada Qaranka Waaberi.

Ra’iisul Wasaare Rooblen ayaa tacsi u diray qoyska Marxuumada, bahda fanka iyo guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna sheegay in Faadumo Cali Nagruuma ay kamid aheyd tiirarka fanka Soomaaliyeed.

“Waxaan qoyskeeda, bahda fanka & guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida fannaanaddii Qaran Faadumo Cali Nakruuma. AUN Faadumo waxa ay ka mid ahayd tiirarka fanka Soomaaliyeed, waxa ayna kaalin weyn ka soo qaadatay dhismaha Qaranka & wacyi gelinta Bulshada”.

ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble oo Qoraal soo dhigay bartiisa Facebook.

Allaha u naxariistee Faadumo Cali Nagruuma ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay ku xanuunsaneysay isbitaalka Martiini, isla markaana waxaa haleelay Cudurka halista ah ee COVID-19 oo dalka kusoo laba kacleeyay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this