Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadda Facebook oo hawada ka saartay boggii milatariga Myanmar

Recommended Posts

Deeq A.   

Shirkadda Facebook ayaa sheegtay in iyadoo raaceysa siyaasadeeda mamnuuceysa kicinta rabshadaha inay tir-tirtay boggii ugu weynaa ee Milatariga wadanka Myanmar, maalin kaddib dilkii laba ka mid ah dibadaxayaashii ka soo horjeeday afgambigii milatari ee Februay 1-keedii.

“Si waafaqsan siyaasadeenna caalamiga ah, waxaan shabakadenna ka saarnay bogga “Tatmadaw True News” kaddib xadgudubyo isdaba joog ah oo ay ku sameeyeen heerarkeena bulsho ee mamnuucaya kicinta rabshadaha iyo abuubulka waxyeelada” ayaa lagu yiri warsaxaafadeed uu saaray wakiil ka tirsan shirkadda Facebook.

Laba qof ayaa lagu dilay magaalada labaad ee Myanmar ee Mandalay Sabtidii kaddib markii booliska iyo milatarigu ay rasaas ku fureen mudaaharaadayaasha oo ka soo horjeeday afgembigii dawladdii la soo doortay ee Aung San Suu Kyi. Shaqaalaha gurmadka ayaa sidaas yiri, waxayna aheyd maalinta ugu dhiig daadashada badan in ka badan laba toddobaad oo bannaanbaxyo ah.

Shirkadda Facebook sanadihii la soo dhaafay waxay la shaqeysay dhaq-dhaqaaqyada xuquuqda madaniga ah iyo xisbiyada siyaasadeed ee dimuqraadiga ah ee ka dhisan Myanmar, waxayna ka soo horjeedeen tallaabooyinka militariga kadib markii ay la kulmeen dhaleeceyn weyn oo caalami ah oo ku saabsan inay ku guuldareysteen xakameynta ololaha nacaybka ee internetka.

PUNTLAND POST

The post Shirkadda Facebook oo hawada ka saartay boggii milatariga Myanmar appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this