Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada oo ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa maanta oo Axad ah xarunta Madaxtooyada kula shirsan qaar kamid ah Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalka iyo wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya.

Kulanka ka socda Xarunta Madaxtooyada Villa Somalia, oo ku saabsan Arrimaha Doorashooyinka dalka, waxa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Kulankan ayaa ku soo beegmay, maalmo kadib markii uu qabsoomi waayay shir ku saabsan Arrimaha Doorashada, oo uu ku baaqay Madaxweyne Farmaajo, kaas oo la doonayay in Muqdisho lagu qabto 18-19kii bishan February 2021.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaan aqbalin ka qayb-galka Shirkaaas, sida lagu sheegay Qoraal xalay ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Shir ku saabsan Arrimaha Doorashada oo ka socda xarunta Madaxtooyada Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this