Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia: Farmaajo oo Wadahadal La Leh Maamul Goboleedyada Taageersan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa hadda Villa Somalia ka socda shir u dhaxeeya madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir.

Arrintan ayaa imaaneysa kadid markii uu Khamiistii baaqday shirkii uu Farmaajo ku baaqay ee lagu saxiixi lahaa qoraalka guddiga farsamo ee Baydhabo.

Wararka ayaa intaas ku daraya in kulanka Farmaajo iyo madaxdaas la filayo iney ku biiraan qaar ka tirsan madaxda beesha caalamka.

Sida lagu sheegay qoraal rasmi ah oo dowladda federaalka ah kasoo baxay, maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa ku gacan seyray caasuumaadda Farmaajo halka ay aqbaleen Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur galbeed iyo guddoomiyaha Banaadir.

Goobjoog News

 

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this