Sign in to follow this  
Deeq A.

Shir xasaasi ah oo Villa Somalia uga socda Farmaajo, saddex madax goboleed iyo James Swan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta shir u ka bilowday Madaxtooyada Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisal wasaaraha xil-gaarsiinta, Madaxda dowladda goboleedyada Galmudug, Hirshabeelle, Koonfur Galbeed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay xogta ku helayso Caasimada Online, waxaa shirkaas goobjoog ka ah Wakiilada Beesha caalamka oo uu hogaaminayo ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan, waxaana looga hadlayaa arrimaha doorashada iyo xaalada cakiran ee dalka.

Shirkaan oo ay ka maqan-yihiin madaxda Puntland iyo Jubbaland ayaa waxa uu imanayaa xili ay kacsan tahay xaalada caasimada dalka ee Muqdisho, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay ka dhacayeen rabshado u dhaxeeyay dowladda iyo Musharaxiinta mucaaridka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in shirkaan uu hordhac u yahay kulankii uu hore u iclaamiyay madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday kaasi oo uu iskugu yeeray madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada, islamarkaana ku taariikheysnaa 18-ka ilaa 19-ka bishan.

Waxaa weli dalka ka taagan, gaar ahaan caasimada muranka doorashada, midaasi oo ay si weyn iskugu hayaan madaxda dowladda ee waqtigoodu dhamaaday iyo Musharaxiinta mucaaridka ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

Wixii kasoo kordha shirkaan kala soco Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this