Sign in to follow this  
Deeq A.

“Imaaraadka Carabtu Waxa Uu Somalia Ka La Rabaa Sida Liibiya Iyo Yemen” Wasiir Dubbe Oo Si Kulul U Weeraray Dalka Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Dowladda Soomaaliya ayaa si kulul uga hadashay Qoraalkii shalay kasoo baxay dowladda Imaaraadka Carabta ee dowlad ku-meel-gaadh ah ugu yeedhay Dowladda Soomaaliya, xilli ay ka hadleysay rabshadihii ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Cismaan Abubakar Dubbe oo shir jaraa’id u qabtay warbaahinta ayaa waxaa uu marka hore sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Imaaraadka uu ka dhexeeyay xidhiidh wanaagsan oo ku saleysan ganacsi.

Imaaraadka ayuu sheegay Wasiirka inay doonayaan in Soomaaliya la mid noqoto dalalka Liibiya iyo Yemen, isla markaana ay rabto in dalka ay abuurto barakac iyo dib u dhac, taasina ay tahay mid dadka Soomaaliya ka feejigan yihiin.

Isaga oo sii hadlaayay ayuu Dubbe sheegay in markii la saxeexay heshiiskii 17 September qaar kamid ah Madaxda dowlad Goboleedyada ay tageen Imaaraadka ayna ka kulmeen Madax ka tirsan dalkaas, kadibna dalka ay kusoo laabteen, iyaga oo wata shuruudo cusub, ayna arrintaas kamid tahay faragelinta lagu hayo heshiiskii doorashada.

Ugu dambeyn Wasiirka Warfaafinta dowladda Soomaaliy ayaa Carabka ku dhuftay in dowladda ay ka dalbatay Imaaraadka Carabta inay cudur daar ka bixiso Qoraalkii ay dawladda Soomaaliya ugu yeedhay ku-meel-gaadh, ayna gef ka gashay qarannimada Soomaaliya.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this