Sign in to follow this  
Deeq A.

KENYA oo bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee ICJ

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Onlin) – Dowladda Kenya oo dhowaan ku guul darreysatay dalabkeedii ahaa in dib loogu dhigo dacwadda badda ee kala dhexeysa Soomaaliya ayaa haatan bedashay dhammaan qareenadeedii dacwadda badda ee taal maxakamadda ICJ.

Xukuumadda Nairobi ayaa soo xulatay illaa siddeed qareen oo cusub, kuwaas oo 7 ka mid ah ay yihiin Ajaaniib ah, halka xubinta 8-aad ay tahay haweeney Kenyaan ah.

Dhammaan qareenadan ayaa ah kuwa caalami ah oo leh qibrad sare, islamarkaana kasoo shaqeeyey xarumo kala duwan & jaamacado, waxaana hoggaaminaya nin lagu magacaabo Prof Sean Murphy oo ka tirsan George Washington School of Law.

Sidoo kale waxaa wehelinaya qareen kale oo la yiraahod Tullion Treves oo sidoo kale ahaa garsoore hore oo ka tirsanaa maxkamadda caalamiga ah ee sharciga badaha.

Justice Treves sidoo kale wuxuu ka soo muuqday Maxkamada Caalamiga ah ee Cadaalada (ICJ) kiis la mid ah kii Peru iyo Chile.

Prof Phoebe Okowa, oo bare ka ah Sharciga Caalamiga ee Jaamacadda Queen Mary ee London ayaa ah qofka kaliya ee Kenyanka ah. Waxay qeyb ka aheyd dacwada badda ee Gambia ka gudbisay Myanmar. Iyadu waa arday ka qalin jabisay Jaamacadda Nairobi oo ay ku qalin jabisay darajooyinka heerka koowaad.

Waxa kale oo kooxdan ka mid ah Prof Makane Mbengue oo reer Senegal ah, oo dhiga sharciga caalamiga ah ee Jaamacadda Geneva. Isaguba wuxuu dacwad ka gudbiyay maxkamada ICJ ka hor, oo ay kujirto wakiilka midowga afrika ee la talinta sharciyada cawaaqibka kala soocida Chagos Archipelago oo ka timid Mauritius sanadkii 1965. Wuxuu noqon doonaa isku duwaha kooxda.

Sidoo kale isla jaamacadda (Geneva) waxaa ka socda Prof Laurence Boisson De Chazournes oo isna khabiir ku ah sharciga caalamiga. Waxay haysataa laba jinsiyadood – Switzerland iyo Faransiis.

Xubin kale oo kooxda ka tirsan waa Christian Tams, oo bare ka ah Jaamacadda Gasglow. Muwaadinad Jarmal ah , iyada oo ka soo muuqatay isla maxkamada kiisas kala duwan.
Kenya ayaa sidoo kale Eran Sthoeger ka keensatay Israel. wuxuuna kaqeyb qaatay kiiska Peru ee kadhacay Chile.

Qareenada ay Kenya soo xulay sidoo kale waxaa kujira Madaxweynaha Nuqulada Juquraafiga Coalter Lathrop. Wuxuu u fidin doonaa caawimaad sawir gacmeed iyo sharciyeed kooxda Kenya ee xadka iyo xuduudaha badda.

Si kastaba arrintan ayaa kusoo aadeyso, iyada oo haatan wax ka yar bil ay ka harsan tahay dhageysiga dacwadda badda ee Soomaaliya kala dhexeysa Kenya.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this