Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Qoor Qoor & midowga musharraxiinta?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Galmudug ayaa xalay ku booqday guryahooda Madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaarihii hore ee Xasan Cali Khayre, kuwaas oo ka mid ah midowga musharraxiinta mucaaradka

Kulankan ayaa ku qotomay kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maareyn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligaan dalku marayo.

Qoor Qoor ayaa saddexda mas’uul uu la kulmay sidoo kale ka dhageystay cabashadooda ku aadan rabashadihii dhowaan ka dhacay magaalada Muqdisho.

Sidoo kale labada dhinac ayaa ku ballamay kulamo kale, si loo sii amba qaado wada-hadallada ku aadan sidii xal looga gaari lahaa marxaladda siyaasadeed ee dalka.

Soomaaliya ayaa xilligan wajaheysa xaalad kala guur ah, waxaana weli khilaaf xoogan uu ka taagan yahay hannaanka doorashooyinka ee sanadkan 2021-ka.

Halkan hoose ka daawo sawirrada:-

Qoor-Qoor-iyo-xasan-sheekh 150700012_3773131529442892_2903092490809463351_n 151218585_3773131462776232_2834657766608568057_n 152062828_3773131339442911_4368997607547812280_n 152331215_3773131409442904_5131118918923418384_n

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this