Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo faah faahisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Covid-19

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka maamul Goboleedka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin guud ka bixisay kiisaskii ugu dambeeyay ee cudurka Coronavirus ee laga diiwaamgeliyay guud ahaan degaannada Maamulka Hir-Shabeelle.

Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Hir-shabeelle Mudane Muxudiin  Muqtaar Macalin ayaa sheegay inxanuunkan uu si aad ah ugu fafay Magaaloyinka Beledweyne iyo Jowhar oo ah xarumaha labada Gobol ee Shabeellaha Dhexe & Hiiraan.

Shir jaraa’id oo u qabtay Wasiirul Dowlaha ayuu ku sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe laga diiwaangeliyay 9 Ruux  oo ay kujiran saraakiil Caafimaad oo laga helay cudurka Covid 19, halka hal qof uu u geeriyooday,

Muxudiin  Muqtaar Macalin Wasiirul Dowlaha Caafimaadka Hir-shabeelle ayaa intaa ku daray in kiisas cusub  laga diiwaangeliyay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobolka Hiiraan, kuwaas oo ay kujiraan laba qof oo ajaanib ah oo ka yimid dalka Koonfur Afrika.

Ugu dambeyn Wasiirul Dowlaha ayaa ugu baaqay guud ahaan bulshada ku nool degaannada Hir-Shabeelle in ay ka feejignaadaan khatarta cudurka COVID-19 oo markale dalka kusoo laabtay.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this