Sign in to follow this  
Deeq A.

DF Soomaaliya oo eedeyn culus u jeedisay Jubbaland & Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Warsaxaafadeed ka soo baxay wasaarada Arrimaha Dibbada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxda Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin casuumaddii uu u fidiyey madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaas oo iclaamiyey shir ay ka qeybgalaan madaxda maamul goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Qoraalka ayaa lagu sheegay in saddex madaxweyne goboleed oo kaliya ay aqbaleen baaqii madaxweynaha, welina ay maqan yihiin hoggaamiyeyaasha Jubbaland & Puntland.

“Dhammaan madaxda maamul goboleedyada, marka laga reebo labo, waxay ka jawaabeen caasuumaddii madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin inay taageeraan heshiiskii guddiga farsamada ee Baydhaba.”ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay dowladda.

Sidoo kale qoraalka ayaa intaasi kusii daraya “Mar kale, dowladda federaalka Soomaaliya waxay ku boorineysa labada madaxweyne goboleed ee harsan inay kusoo biiraan saxiixayaasha kale ee heshiiskii siyaasadeed ee September 17, si taasi ay dhabbaha ugu xaarto doorasho ay ku jirto danta nabadeed iyo barwaaqada,”.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo weli dalku jiro xaalad adag, taas oo ka dhalatay is faham-waaga ka taagan doorashada dalka ee 2021-ka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this