Deeq A. Posted February 21, 2021 Magaalooyinka waaweyn ee Puntland, waxa ku soo badanaya Gawaarida kala duwan oo xawaaraha saa’idka ah ku socda, kuwaas oo qaarkood ay wadaan dadka isticmaala Maan-dooriyaha, halka qaar kalena ay wadaan dhalinyaro da’ yar oo mas’uuliyad-darro xad-dhaaf ah ka muuqato. Wadayaasha Gaadiidka ee dhaqankaas leh, waxa mas’uuliyad-darradooda ku dhinta dad badan oo Bulshada uga qiima badnaa kuwa sababta u noqday Geeridooda, waxaase ka sii daran in aan weli Arrintaas wax laga qaban. Gawaarida isaga safarta gudaha Puntland, ayaa sidaas oo kale qaarkood xawaare saa’id ah ku socdaan, waxaana ka dhasha shilal khasaare ba’an oo naf, maal iyo burbur hantiyeed gaysta, kadibna dowladdu waa ka tacsiyaysaa oo keliya! Haddaba, maxaa la gudboon dowladda, si loo dhaqan-geliyo Shuruucda wadista Gaadiidka? Sidee wax looga qaban karaa Arrintan halista weyn ku ah Nolosha Bulshadeenna? WQ: Cabdiraxmaan Ciise The post Dilaaga aan wax laga qaban ee dadkeenna laaya! appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites