Sign in to follow this  
Deeq A.

Faroole iyo Jurile oo si adag u cambaareeyay Madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   
2-25.jpg?resize=1000%2C678&ssl=1

Madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Sen. Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole iyo Sen. Cabdirisaaq Cismaan Jurile, ayaa Qoraal wadajir ah oo ay soo saareen si adag ugu cambaareeyay weerarkii Jimcihii ay dowladda Federaalka Soomaaliya ku qaadday Hoteelka Maa’ida ee Muqdisho, halkaas oo ay deganaayeen Madaxweynayaashii hore ee dalka Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh, oo uu weheliyo Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Labada Sen. waxay sidoo kale cambaareeyeen weerarkii Sabaxnimadii Jimcaha isla Ciidanka dowladdu ay ku qaadeen bannaanbax ka socday jidka aada Garoonka Diyaaradaha Muqdish, kaas oo ay hoggaaminayeen Ex Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur iyo Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Faroole iyo Juriley, waxay Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyeen in uu si cad ugu tuntay Qodoba Dastuuriya, islamarkaana Ciidanka Qaranka u adeegsaday dhammaan weeraradaas dhacay oo lagu beegsaday Mucaaradka dowladda, gaar ahaanna Midowga Murashixiinta Muqdisho.

Sidoo kale, waxay dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada, Guddoonada labada Aqal, Murashixiinta Mucaaradka iyo dhammaan saamileyda siyaasadda dalka ugu baaqeen in laga fogaado wax kasta oo colaad kicin kara, lagana wada shaqeeyo sixidda Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020 si loo hirgeliy Doorashada.

1-19.jpg?resize=524%2C804&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Faroole iyo Jurile oo si adag u cambaareeyay Madaxweyne Farmaajo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this