Sign in to follow this  
Deeq A.

Villa Somalia oo sheegtay in Puntland iyo Jubaland aysan aqbalin Shirka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa shaacisay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland aysan weli aqbalin Shirkii Arrimaha Doorashada ee Madaxweyne Farmaajo iclaamiyay.

Qoraal kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda  Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in dhammaan Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada dalku ay aqbaleen ka qayb-galka Shirkaas, marka laga reebo Den iyo Axmed Madoobe.

Dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, marka laga reebo laba, waxay ka jawaabeen caasuumaddii Madaxweynaha, waxayna diyaar u yihiin in ay taageeraan Heshiiskii Guddiga Farsamada ee Baydhaba.” Ayaa lagu yiri Qoraalkaas.

Madaxweynayaasha Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed, ayaa haatan ku sugan Muqdisho, halka ay weli ka maqan yihiin Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa labadaas Madaxweyne ugu baaqday in ku soo biiraan Shirka, si loo dhammaystiro Heshiiskii Arrimaha Doorashada ee 17-kii September 2020, islamarkaana loo hirgeliyo Doorashada.

Dhinaca kale, dowladdu waxay soo dhowaysay baaqyada Caalamiga ah oo ku saabsan in Heshiis siyaasadeed laga gaaro xiisadda ka dhalatay Arrimaha Doorashada, si loo hirgeliyo doorasho lagu wada qanacsanyahay.

4-6.jpg?resize=720%2C896&ssl=1 5-1.jpg?resize=720%2C821&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Villa Somalia oo sheegtay in Puntland iyo Jubaland aysan aqbalin Shirka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this