Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay xubnaha ugu muhiimsan Mucaaradka Villa Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor, ayaa xalay guryahooda Muqdisho ku booqday Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif, Xasan Sheekh Maxamuud iyo sidoo kale Ra’iisul wasaarihii hore Xasan Cali Khayre.

Madaxtooyada Galmudug ayaa shaacisay in Madaxweyne Qoor Qoor uu guryahooda ku booqday Madaxdaas hore, oo haatan kamid ah Midowga Murashixiinta Muqdisho, islamarkaana mucaaradsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararku waxay sheegayaan in ay ka wada-hadleen xaaladda Siyaasadeed ee dalka, gaar  ahaanna xiisadda ka aloosan Muqdisho iyo Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya, oo weli uu ka taaganyahay khilaaf u dhexeeya dhinacyada siyaasadda dalka.

1-18.jpg?resize=1000%2C510&ssl=1 2-24.jpg?resize=1000%2C572&ssl=1 3-11.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Qoor Qoor oo la kulmay xubnaha ugu muhiimsan Mucaaradka Villa Somalia appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this