Sign in to follow this  
Deeq A.

Favori LLC oo xukun lagu riday

Recommended Posts

Deeq A.   

Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa manta ku heshay shirkada Favori LLC ee maamusha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho, kadib markii sharci yaqaanada Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) ay kusoo eedeeyeen ku xadgudbida xuquuqda mid kamid ah shaqaalaha xoogsatada ah ee shirkadda u shaqeeya.

Shirkadda Favori ayaa horraantii bishii September ee sanadkii tagay 2020 waxay shaqada ka eriday Abshir Xasan Cabdulle oo ka mid ahaa xoogsatada shirkadda u shaqeysa ee ka hawlgalayay garoonka diyaaradaha Aden Cadde, iyadoo shaqo ka eryidiisa aan loo marin wax sharci iyo nidaam ah.

Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) oo baaris ku sameeyay sababta Abshir oo xoogsata ah shaqada looga eryay, ayaa waxaa u caddaatay in shaqo ka eryidiisa aan loo marin sifo sharci ah isla markaana, taasoo keentay xiriirku juhdi ku bixiyay sidii Abshir shaqadiisa uu dib u heli lahaa isla markaana xuquuqaadkiisii lagu tuntay loo soo celiyo.

Garyaqaano ayay FESTU u qabtay Abshir Xasan Cabdulle oo ah xubin ka tirsan FESTU, waxaana ay garyaqaanada ku guuleyseen in gal dacwadeed laga furo Maxkamada Gobolka Banaadir halkaasi oo lagu qaaday kiiska dacwada, ayadoo Maxkamadu aqbashay inay qabato kiiska muwaadinka taariikhdu markii ay ahayd 14 November 2020 isagoo xilligaasi laba bilood shaqadii laga eryay banaanka ka jooga.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa xilliya kala duwan u fadhiisatay dhageysiga dacwada iyo dooda labada dhinac ee ka kala socday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU) iyo Shirkadda Favori LLC, waxaana Maxkamaddu sameysay baaritaano iyo dhageysiyo farabadan taasi oo ugu dambeyntii maanta ay ku dhawaaqday natiijada kasoo baxday kiiska dacwadda Abshir Xasan Cabdulle.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa ku dhawaaqday in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah waxayna Maxkamaddu amartay in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kale in la siiyo dhammaan mushaarkii ka baaqday laga soo billaabo bishii October ee sanadkii tagay 2020. Gaar ahaan, xukunka maxkamadda ayaa ahaa sidan:

  1. “Maxkamaddu waxay aqbashay arjiga ay soo gudbiyeen qareenada dacwoodaha (Abshir Xasan Cabdulle).
  2. Maxkamaddu waxa ay diiday gebi ahaanba arjiga jawaab celinta ah ee ay soo gudbiyeen qareenada dacwaysanaha (Favori LLC).
  3. Waxa ay Xukuntay in shaqo ka saaridda Abshir Xasan Cabdulle ay tahay mid sharci darro ah, waxa ayna amraysaa in lagu celiyo shaqadiisii sidoo kalena la siiyo dhamaan mushaharkii ka baaqday laga soo bilaabo bisha Oktoober.
  4. Xukunka wuxuu dhacay 14/12/2020, waxa uu soo baxay maanta oo ay taariikhdu tahay 20/02/2021.”

Cumar Faaruuq Cusmaan, Xoghayaha Guud ee FESTU oo saxaafada la hadlaayay kadib markii uu xukunka soo baxay ayaa yiri “waxaan isku daynay inaan kala hadalno shirkadda Favori LLC inay joojiso ku xadgudbidda xuquuqda shaqaalaha, ayna dhowrto sharciga dalkan u degsan ee damaanad qaadaya xuquuqda shaqaalaha. Nasiib darro wey ka dhaga adeegeen ayagoo u heysto inay sharciga ka sareeyaan oo xuquuqda shaqaalaha Soomaaliyeed ku tuman karaan isla markaana aan tilaabo sharciga waafaqsan aan laga qaadeynin”.

“Waan sii kordhineynaa dadaalkeena aan ku dooneyno inaan ku difaacno kuna soo dhicino xaqqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed. Marna ma yeeli doonno in lagu tunto xuquuqda ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed” ayuu ku daray Cumar Faaruuq Cismaan.

Xukunkan ayaa noqonaya mid taariikhi ah oo lagu ilaaliyo sharafka iyo xaqqa shaqaalaha Soomaaliyeed waana mid kamid ah tallaabooyinka ugu waaweyn ee uu ku tallaabsaday Xiriirka Ururada Shaqaalaha Soomaaliyeed ee (FESTU).

FESTU waxay hoosta ka xariiqday in dacwaddo waa weyn ay u gudbineyso maxkamadaha dalka iyo hay’adaha caalamiga ah ee xuquuqda aadana ee Qaramada Midoobey si loo dhowro xaqa ay leeyihiin shaqaalaha Soomaaliyeed.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this