Deeq A. Posted February 20, 2021 Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, kuna taariikhaysan 20-2-2021 ayaa lagu magacaabay Taliska guud ee ciidamada Daraawiishta Galmudug. Madaxweyne Qoor Qoor, wuxu Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Galmudug u magacaabay G/sare Maxamed Nuur Cali (Gidaar), sida ku cad wareegtada ka soo baxday xafiiskiisa. Taliye ku xigeenka Ciidanka Daraawiishta dowlad goboleedka Galmudug, ayaa isna loo magacaabay Gaashaanle Cabdikariin Maxamuud Maxamed (Kheyre). Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ku amray dhammaan hay’adaha kala duwan ee Galmudug in ay la shaqeeyaan taliska cusub ee la magacaabay, si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Qoor Qoor oo magacaabay Taliyaal ciidan appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites