Deeq A. Posted February 20, 2021 Dadka uu galaaftay xanuunka Karoona ee qaarada Afrika waxay iminka tiradooda kor u dhaaftay 100,000 sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadka iyo cilmi baarayaasha Karoonaha Dalka koonfur afrika ayaa ah kan ugu dhimashada badan guud ahaan qaarada afrika Koonfur afrika waxaa cudurka uu salfaday 48,859 taas oo ku dhow kala bar dadka afrika Covid-19 ugu dhintay Afrika oo ka kooban 53 dal waxaa ay la harjadeysaa sidii ay u heli laheyd talaalka Covid-19 kaas oo dhaqaale badan iyo tasiilaad dheeri ah oo dhanka gaarsiinta ah u baahan. 14 February sanadkii 2020 ayaa kiiskii ugu horeeyay Karoona qaarada Afrika waxaa laga diiwaan galiyay dalka Masar View the full article Share this post Link to post Share on other sites