Sign in to follow this  
Deeq A.

Beesha caalamka oo kulan ka leh xaaladda soo cusboonatay ee ka taagan dalka

Recommended Posts

Deeq A.   

Wakiilada Beesha Caalamka ee taageera Soomaaliya ayaa xiligaan waxaa uu kulan uga socdaa Xerada Xalane ee ku dhex taalla Garoonka diyaaradahha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlayaa xaaladda siyaasadeed ee Cakiran dalka, xiisada soo korortay ee Magaalada Muqdisho iyo khilaafka ka taagan qabsoomida doorashada dhaceysa oo weli aan heshii laga gaarin.

Wakiilada Beesha Caalamka ee loo yaqaano C6+ ayaa sigaar ah uga arrinsaneysa sida lagu xalin karo xiisada siyaasadeed ee dalka, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda War-saxaafadeed kasoo saaran kulankooda, kuna wajahan xaaladda dalka.

Kulan ayaa waxaa uu kusoo beegmay kaddib markii shaqaaqooyin sababay dhimasho iyo dhaawac  ay ka dhaceen magaalada.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this