Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlada sucuudiga oo ka hadashay rabshadihii dhawaan ka dhacay magaalada muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Boqortooyada Sacuudiga ayaa lagu sheegay in si dhaw ay ula socdaan Xaaladda Soomaaliya gaar ahaan is marin waaga ka taagan Doorashooyinka & isku dayga dibadbaxa musharixiinta oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda oo ay daabacway Wakaaladda Wararka Sacuudiga ee loosoo gaabiyo SPA ayaa lagu sheegay in xalka uu yahay habka ugu habboon ee looga fogaanayo dhibaatooyin kale.

Boqortooyada ayaa dhibka la qaybsatay qoysaska dadkoodu waxyeeladu gaartay, dhaawacyada ayay u rajeysay in ay ka caafimaadaan, waxaana ay tilmaamtay in ay xoojineyso dedaal weliba oo lagu gaarayo miiska wadahadalka oo ah goobta ugu habboon ee wax lagu saxo.

Sacuudiga ayaa ku biiraya Dalal, Ururo & dadka kala duwan sida Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Midowga Afrika, IGAD & kuwo kale oo ka falceliyay isku dhacii habeen kahor Muqdisho ku dhexmaray Ciidamada Dowladda Federaalka & ilaalada Musharixiinta,

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this