Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hirshabeele oo sheegay in dad ajaanib ah laga helay Coviod 19.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasaaradda Caafimaadka dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa faah faahin ka bixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee Cudurka halista ah ee COVID-19 ee deegaanada Maamulkaas, kadib markii uu Cudurka kusoo laba kacleeyay gudaha Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Caafimaadka Hirshabeelle Muxudiin Mukhtaar Macalin ayaa waxaa uu sheegay in Cudurka COVID-19 uu maalmihii lasoo dhaafay ku faafay Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne, isla markaana ay diiwaan-geliyeen kiisas dhowr ah.

Muxudiin Mukhtaar ayaa sheegay in Gobolka Shabeellaha Dhexe bishaan laga diiwaan-geliyay 9 qof oo qaba Cudurka, kadib markii lagu ogaaday baaritaano kala duwan oo lagu sameeyay, ayna dadkaas ku jiraan qaar kamid dhaqaatiir Caafimaad.

Waxaa uu intaas kusii daraya Wasiiru dowlaha in Baladweyne dad ku sugan oo gaaray 100 qof laga baaray Cudurka, isla markaana 28 kamid ah dadkaas laga helay oo ku jiraan laba ruux oo Ajaanib ah kana yimid dalka Koonfur Afrika.

Dadka laga helay Cudurka ayuu tilmaamay in la geeyay Xarun gaar ah oo loogu tala-galay lagu karantiilo, isagoona xusay in Wasaaradda Caafimaadka DFS maalmihii dambe aysan Hirshabeelle kusoo daran deegaanada laga diiwaan-geliyay kiisaska Cudurka.

Cudurka halista ah ee COVID-19 ayaa kusoo laba kacleeyay gudaha dalka Soomaaliya, waxaana Wasaaradda Caafimaadka dowladda si maalinle ah u shaacisaa dad badan oo laga helay Cudurka iyo kuwo u dhintay intaba.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this