Sign in to follow this  
Deeq A.

Shacabka Muqdisho oo sheegay in dalka aan lagu aaminin kuwii Madfaca ku weeraray Garoonka diyaaradaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

Qalqal galin amni oo ay sameeyeen xubnaha mucaaradka ee tartanka ugu jira kursiga uu ku fadhiyo madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa sababtay in garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay ku dhacaan madaafiic aan la ogeen cida tuurtay ,

Wararka ku dahaaran madaafiicda lagu tuuray garoonka diyaaradaha waxaa la sheegay in ay ku hoos duugan tahay siyaasad gaar ah oo la doonayo in aduunka lagu  tuso in soomaaliya aysan ka jirin nabad la isku haleyn karo sidoo kalana ujeedka laga lahaa  ay tahay in ay joogsadaan gabi ahaanba diyaaradaha ka duuli jiray garoonka iyo kuwii kasoo dagi jiray iyo guud ahaanba howlaha garoonka waxaana la tilmaamay in qorshahaasi ay sameeyeen mucaaradka dowlada kasoo horjeeda ,

Qaar kamid ah shacabka ku nool muqdisho oo la hadlay Shabeele ayaa waxa ay sheegeen in dadkaasi iyaga ah aan xiligaan dalka lagu aamini Karin maadaama fikirkooda uu ka badin waaye in ay weeraraan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde  ee magaalada Muqdisho oo kamid ah ilaha dhaqaale ee dalka uu ku faano .

Shalay ayeey aheyd markii garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho uu ku dhacay Madfac sababay in ay gubtaan goobo ganacsi oo ku yaala gudaha garoonka waxaana ka dhashay hadal heyn badan oo ku saabsan cida sax ahaanshaha fikirkaasi lagu weeraray ka dambeysay.

Idaacada Shabeelle oo u kuur gashay qaabka uu falkaasi ku dhacay iyadoona dad badan ay isla qireen in ay ka dambeeyeen weerarka lagu qaaday garoonka xubnaha mucaaradka ee dowlada kasoo horjeeda.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this