Sign in to follow this  
Deeq A.

Shirkadaha Diyaaradaha Turkiga, Ethiopia Airlines Iyo Uganda Airlines Oo Hakiyay Duulimaadyada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa hakiyay duulimaadyadii ay maanta ku iman lahaayeen garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in rakaabkii goostay tikidhada lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay qalalaasihii shalay ka dhacay Muqdisho.

Qaar kamid ah Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaa ka cabsi qaba in ammaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta waxaana shalay ku dhacay madfac gudaha garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this