Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ciidamadii Soomaalida Ahaa Ee Lagu Soo Tababaray Dalka Eritrea Oo Laga Dejinayo Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Muqdisho)-Xog ay heshay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegeysa in ciidamadii dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Xog ay heshay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegeysa in ciidamada dowladda Soomaaliya tababarka ugu dirtay dalka Eritrea lagu wado in toddobaadkan ay kasoo degaan garoonka diyaaraddaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamada Soomaaliya ee tababarka loogu diray Eritrea saacadihii lasoo dhaafay soo bixitaankooda lagu diyaarinayey caasimada Asmara, ayna sugayaan duulimaadkii kasoo dejin laheyd Muqdisho.

Ciidamadaan oo dowladdau qorshuhu ugu jiray in si gaar ah u adeegsado ayaa la sheegayaa in laga yaabo in isla maanta, berri ama maalinta xigta soo gaadhaan Muqdisho iyada oo qorshuhu yahay in si deg deg ah loo howlgeliyo.

Lama oga in marka ay soo gaadhaan Muqdisho inay toos u abaari doonaan qoysaskooda maadaama muddo sannado ah ka maqnaayeen iyo in lagu amri doono inay fuliyaan awaamiirta iyo ujeedooyinkii loo soo tababaray.

Warku wuxuu intaa ku darayaa in ciidamadaan qiyaas ahaan tiro 70 dhan ay kusoo dhinteen dalka Eritrea mudadii tababarka xaalado kala duwan, kuwaasi oo qaarkood waalidiintooda ayna ka war qabin.

Hore ayaa dowladda Soomaaliya loogu eedeeyay in ciidamadaan sifo sharciga aan waafaqsaneyn loogu qaaday dalka Eritrea iyadoo lagu khiyaameeyay in shaqaale ahaan loogu qaadayo dalka Qatar, taasoo ay dowladda Qatar beenisay, kuna baaqday in baadhitaan dhab ah laga sameeyo tallaabadaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this