Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuska Maalinta Dhalinyaradda Somaliland Oo Lagu Qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka ka qayb-galay Xuska Maalinta Dhallinyarada Somaliland ee (UFO) oo sannad walba laga xuso Dalka 20-Febraury-1982 Maalintii Dhagaxtuurka ay sameeyeen qaar ka mid ah dhalinyaradii Somaliland.

Munaasibadda lagu xusayay oo lagu qabtay beerta xoriyadda ee Magaaladda Hargaysa oo ay goob joog ahaayeen ardayda dugsiyadda sare, hoose dhexe iyo qaar kamida dhallinyaradii dhagax-tuurka samaysay wakhtigaasi ee UFO oo uu kala qaybgalay khudbadna u jeediyey madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku dheraaday muhiimadda ay qaranka Somaliland u leedahay Maalintani ayaa yidhi” Maanta waa maalintii dhalinyaradda, waa xuskii UFO, waa maalin qaran oo mudan inaynu waynayno tusaalena u ah wixii qarankan loo soo maray, waxaanan dhalinyarada ugu baaqayaa inay ilaashadaan midnimadooda iyo wadajirkooda qarankoodana ilaashadaan”.

Sidoo kale waxa halkaa khudbaddo ka jeediyey masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin gudoomiye ku xigeenka gobolka maroodi-jeex, maayar ku xigeenka caasimada, gudoomiyaha Sonyo, siyaasiyiin iyo qaar ka mida dhalinyaradii wakhtigaasi dhagaxa-tuurayey.

Wa-bilaahi tawfiiq

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this