Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Beyle oo hambalyo u diray hoggaanka sare ee hay’adda IFC

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya  oo Hambalyo u diray Agaasimaha cusub ee  maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah ee Maaliyadda ( IFC ) Makhtar Diop.

Muqdisho:  Wasiirka Maaliyadda XFS Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa hambalyo diirran u diray Makhtar Diop oo Madaxweynaha Bangiga Aduunka David Malpass u magacaabay Agaasimaha Maamulka iyo Madaxweyne ku xigeenka Hey’adda Caalamiga ah Maaliyadda oo ka mid ah 5-ta Hey’adood ee Bangiga aduunka.

Makhtar Diop 6-dii sano ee la soo dhaafay  wuxuu ahaa Madaxwyne ku xigeenka Bangiga Aduunka ee Afrika, waxa kale uu soo noqday wakiilka Bangiga Aduunka ee Soomaaliya, Kenya iyo Brazil.

Wasiir Beyle ayaa ku amaanay mudane Diop kaalintii uu ka geystay dedaalka Soomaaliya ugu jirto Wadahadalada dayn cafinta iyo dib u habeynta nidaamka maamulka Maaliyadda

Makhtar Diop  wuxuu u dhashay dalka Senegal wuxuu ka soo noqday Wasiirka Dhaqaalaha dalkiisai, waa qabiir Dhaqaale oo muddo u shaqaynayay hey’adaha dhaqaalaha caalamiga ah.

Hey’adda uu hoggaamin doono ee  Maaliyadda Caalamiga IFC ( International Financial Corporation ) waxay shaqadeedu tahay hormarinta dhaqaalaha iyo Dhiiragalinta kobaca nolol maalmeed bulshada iyada oo loo marayo hey’adaha gaarka loo leeyahay ee dalalka soo koraya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this