Sign in to follow this  
Deeq A.

Xoghayaha guud ee QM oo ka digay rabshadahii ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Xoghayaha guud ee QM ayaa walaac ka muujiyey iska hor imaadyadii shalay ka dhacay Muqdisho, isaga oo dhamaan dhinacyadda ugu baaqay in ay  xaalada dejiyaan

Antonio Gutteres ayaa sidoo kal dowadda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ka jira dalka ugu baaqay in heshiis wadajir ah ka gaaraan muranka siyaasadeed ee ka taagan doorashooyinka, islamarkaana ay raacaan heshiiskii 17 September ee sannadkii hore.

Xoghayaha guud ee QM ayaa sidoo kale soo jeediyey in si buuxdo la ixtiraamo xuquuqda isu soo baxyada nabadeed islamarkaana la dhowro xorriyadda hadalka.

Gutteres xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa nasiib daro ku tilmaamay khilaafka rabshadaha wata ee u dhaxeya madaxda dowladda iyo musharaxiinta mucaaradka ah.

Sidoo kale wuxuu hoosta ka xariiqay in Qaramada Midoobay ay wadi doonta taageerada ay siiso dowlada iyo shacabka Soomaaliyeed si sare loogu qaado nabadda iyo xasiloonida.

Shalay iyo habeen hore ayaa isku hor imaad wuxuu magaalada Muqdisho ku dhex maray ciidamada dowladda iyo kuwa xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this