Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi loo saaray colaad ka aloosan Gardafuu

Recommended Posts

Deeq A.   
1-17.jpg?resize=960%2C640&ssl=1

Odayaasha dhaqanka Gobolka Gardafuu ee Puntland, ayaa guddi u saaray xiisad u dhexaysa dowladda iyo malayshiya-beeleed hubaysan oo ka taagan Gobolkaas.

Dadaalka Odayaasha ayaa bilowday kadib markii shalay isku dhac kooban dhexmaray Ciidanka dowladda iyo kooxda hubaysan, oo uu hoggaamiyo nin lagu magacaabo Mahad Cali Carcar Daa’uud.

Cutubyo ka tirsan Ciidanka Madaxtooyada iyo PMPF ee Puntland, ayaa shalay iska hor-imaad kooban dhexmaray iyaga iyo malayshiyaadka hubaysan, inkastoo aan la soo werin wax khasaare ah.

Waan-waanta guddiga Odayaasha ayaa weli socota, waxaana Ciidanka Puntland lagu amray in aysan hawlgal dambe ku qaadin kooxda.

PUNTLAND POST

The post Guddi loo saaray colaad ka aloosan Gardafuu appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this