Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaar ka mida Diyaaradaha Caalamiga oo Hakiyay Duulimaadyadey Muqdisho ku iman jireen

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaar ka mida Diyaaradaha Caalamiga oo Hakiyay Duulimaadyadey Muqdisho ku iman jireen

 madaar.jpeg

Qaar kamid ah Shirkadaha caalamiga ee duulimaadyada ku imaan jiray garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa hakiyay duulimaadyadii ay ku imaan jireen magaalada Muqdisho kadib markii Qalalaasihii saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay Muqdisho.

Shirkadda duulimaadyada Turkish Airline , Ethiopian Airlines iyo Uganda Airlines ayaa hakiyay duulimaadyo la filayay in beri oo sabti ah ku yimaadaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Rakaabkii goostay tigidhada ay shirkadahan ku imaan lahaayeen magaalada Muqdisho ayaa lagu wargaliyay in la hakiyay duulimaadyadii Muqdisho, waxaana hakinta duulimaadyada sabab looga dhigay Qalalaasihii xalay iyo maanta ka dhacay Muqdisho.

Muqdisho waxaa shalay & xalayba ka dhacay iska horimaadyo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowlada balse kala taabacsan Villa Soomaaliya iyo Midowga Musharaxiinta, waxaana maanta garoonka ku dhacay hoobiye aan la ogey halka laga riday.

Shirkadaha diyaaradaha Caalamiga ayaana ka cabsi qaba in amaanka caasimada faraha ka baxo gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo meelo aan ka fogeyn degan yihiin inta badan Midowga Musharaxiinta ee kasoo horjeeda taliska Farmaajo.

 

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this