Sign in to follow this  
Deeq A.

Duullimaadyo Caalamiya oo sababa Amni uga baaqday Garoonka Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Diyaaradaha Caalamiga ah ee Turkish Airlines, Uganda Airlines ,Ethiopian Airlines ayaa baajiyay duullimaadyo ay maanta oo Sabti ah ku tegi lahaayeen Garooonka diyaaradaha Muqdisho.

Saddexda Shirkadood ayaa sheegay in aysan Sabtida maanta ah duullimaadyo ku tegi doonin Garoonka Muqdisho sababa la xiriira Amni-xumida ka jirta magaalada Muqdisho, kadib Rabshadihii 24-kii saac ee la soo dhaafay halkaas ka dhacay.

Garoonka diyaaradaha Aaden Cadde, waxa shalay saamayn xooggan ku yeeshay Rabshadihii ka dhacay Muqdisho, kadib markii madfac uu ku habsaday gudaha Garoonka, islamarkaana hakad geliyay shaqada Garoonka.

Xaaladda Muqdisho ayaa saaka oo Sabtiya deggan, waxaana caadi ku soo noqday isu socodka iyo Ganacsiga magaalada.

PUNTLAND POST

The post Duullimaadyo Caalamiya oo sababa Amni uga baaqday Garoonka Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this