Deeq A. Posted February 19, 2021 Kadib markii Galabta ay ku dhawaaqeen Musharixiintu inaysan galayn Doorasho uu ku lugleeyahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa waxaa soo baxay in Maamul Goboleedyada qaarkood ay taageereen Qorshahaas sidaas awgeed ay joojiyeen Kulamadii ay la balan sanaayeen Madaxweynaha wakhtigu ka dhamaadey Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Cabdikariin Xuseen Guuleed Madaxweynihii hore ee Galmudug isla markaasna soo ahaa Wasiir Xukuumadii Xasan Shiikh ayaa Galabta ku dhawaaqay in Musharixiintu aysan tartan Doorasho la galayn Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wararka ay Puntlandi.com helayaan ayaa sheegaya in Puntland iyo Jubbaland ay taageereen Musharixiinta ayna hakad galiyeen Barnaamijkii Wadahadalada Doorashada, ayna kansaleen Wadahadaladii socdey ee Doorashada iyo kulamadii ay layeelan lahaayeen Masuuliyiinta Dowlada Federaalka ee Xilku ka dhamaadey. Madasha Musharixiinta ayaa Caawa ka shirsan Sida Dalku Doorasho u galayo iyo waxa u qorshaysanba. Xalay iyo maanta ayaa Villa Soomaaliya awood Ciidan u adeegsatay Musharixiinta iyo Shacab Mudaharaadayay. Puntlandi.com Garowe The post Breaking News Barnaamijkii Doorashada oo la hakiyay appeared first on . Source Share this post Link to post Share on other sites