Sign in to follow this  
Deeq A.

Midowga Afrika: Villa Somalia Waan Difaaceynaa!

Recommended Posts

Deeq A.   

Qoraal goordhow kasoo baxay Midowga Afrika ayaa lagu sheegay iney si dhow ula socdaan in dagaal uu Muqdisho ku dhex maray labo ciidan oo ka wada tirsan xoogga dalka Soomaaliyeed.

Qoraalkan waxaa lagu amray ciidamada AMISOM iney dhexdhexaad ka noqdaan arrimaha socda isla markaana ay joojiyaan socodka iyo dhaqdhaaqa.

Ugu dambeyntii, waxaa la faray AMISOM in ay ku shaqeeyaan awoodaha lasiiyey, oo ay ilaaliyaan hantida iyo nafta kuwa ka tirsan AMISOM iyo meelaha ay ilaaliyaan sida Villa Somalia, haddii awood laga maarmi waayana ay awood macquul ah adeegsadaan.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this