Sign in to follow this  
Deeq A.

Banaanbaxyo rabashado watay oo ka dhacay magaalada Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidmada ammaanka Soomaaliya ayaa kala ceyriyey dad dhigayey isku soo baxyo rabshado watay oo maanta ka dhacay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho.

Banaabaxayaasha ayaa waxaa hor kacayey xubno ka tirsan macaaradka Soomaaliya waxaana dibadbaxyadu ay sababeen in
madfac uu ku dhaco qeyb ka mid ah garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Dadka dhigayey banaanbaxyada ayaa socod ka soo bilaabay waddada ka timaada garoonka Muqdisho waxa ayna ku soo jeedeen dhinaca Km4.

Sidoo kale waxa ay ku qeylinayeen erayo liddi ku ah jiritaanka dowladnimada, waxaana ciidanka ammaanaka u suurta gashay inay kala ceyriyaan.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta ay wax ka dheceen gacanta ku haya ciidanka ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this